Dowladda federaalka oo waanwaan ka dhex wadda Hirshabelle

Published: August 18, 2017

Kn: Dowladda dhexe ee federaalka ayaa soo farogalisey arrimaha murugsan ee siyaasadeed ee Hirshabelle halkaasi oo baarlamaanka sheegeen in ay xilkii ka xayuubiyeen madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble.

cosoble

Wafti heer wasiiro ah oo dowladda u dirtey Jowhar ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay talo ku celiyeen madaxda ugu saraysa.

Wararkii ugu dambeeyey waxa ay sheegayaan in guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Cusmaan looga yeerey Muqdisho si xal loogu heli arrimaha murugsan ee Hirshabeelle ka jira.

Xildhibaanada ayaa madaxweyne Cosoble ku eedeeyey wax qabad la’aan iyo go’aamo aanan la’isku waafaqsanayn in uu qaatay.

Waxyaabaha lagu dhaliilay Cosoble waxaa ka mid ah degmooyin dheeraad ah oo u magacaabay gobolka Hiiraan.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Cirro oo aqbalay guusha Muuse Biixi
Farmaajo oo u hambalyeeyay Muuse Biixi
Masaajid dhiirigalinaya Jimicsiga
Somaliland oo lagu kala adkaaday
Uhuru oo loo xukumay hogaaminta Kenya