Maxkamadda Sare oo albaabada u fureysa shacabka

Published: August 20, 2017

Kn: Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan oo maanta xafiiska kula hadlay warfidiyeenada ayaa waxa uu sheegay in uu bilaabi doono Barnaamijyo taxano ah oo shacabka Soomaaliyed loogu ifinaayo shuruucda dalka.

Ibraahim Iidle Suleymaan

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka ayaa intaa ku daray in Barnaamijyadaan taxanaha ah oo isbuuciiba 2-jeer ay Bulshada usoo bandhigi donaan si loo fahansiiyo shuruucda iyo qawaaniinta dalka, waana Barnaamij wacyigilin iyo baraarujin ku saabsan kaa oo looga gonleeyahay sidii Bulshada iyo dhamaan Hay’adaha dowladda ay u hogaansami lahayeen shuruucda dalka.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arimo badan oo ay ka mid yihiin qofka muwaadinka ah inta uu ogalyahay in xoriyadiisa laga qaadi karo mudada uu sharciga qabo.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka ayaa ugu danbeyntii soo hadal qaaday in lagama maarmaan ay tahay in Bulshada loo iftiimiyo shuruucda dalka.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xeerka batroolka oo la ansixiyay
Ajandaha kulanka baarlamaanka ee sabtida waxaa ugu horeeya Qalbi Dhagax
Kiiska Qalbi Dhagax: Shan Arrimood oo aysan dowladdu sharrixin
42 arrimood oo la yaab leh oo uu sameeyey Donald Trump
Dowladda iyo rugta ganacsiga oo qir iyo qir taagan