Uhuru oo waraaqo geeyey maxkamadda sare Kenya

Published: August 24, 2017

Kn: Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maxkamadda sare ee dalkaasi geeyey waraaqo uu isaga difaacayo eedeynta ay u jeediyeen mucaaradka Kenya ee ahaa in uu xaday doorashadii dhawaanta dhacday ee lagu dhawaaqay in uu isaga ku guuleystey.

Uhuru

Uhuru waxaa wehliyey garyaqaanadiisa oo uu ka mid yahay garyaqaanka caanka ah ee Soomaaliga ah Axmednaasir Cabdullaahi.

Waxaa kale oo dacwadan ka jawaabaya guddiga doorashada Kenya ee IEBC.

Uhuru oo hadlay ayaa mucaaradka ka codsaday in ay aqbalaan xukunka maxkamadda ay rido, isaga oo dhankiisa ku dhaartay in uu aqbali doono xukun kasta oo maxkamadda gaarto.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xamar oo lagu sheegay gawaari qarax lagu rakibay
Farmaajo oo qaabilay ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga
Axmed Madoobe oo qaabilay danjiraha midowga Yurub
1500 maxbuus oo xabsiga Jigjiga laga sii daayay
Shir looga hadlay amniga Jubbalanad oo Kismaayo lagu qabtay