Wasiirkii buuxiyey booski Cabaas Siraaje oo la dhaariyey

Published: August 25, 2017

Kn: Kulanka tobanaad ee guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa ugu horeyn waxaa lagu dhaariyay Eng Sadiiq Cabdullaahi Cabdi oo bedelay AUN Wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marxuum Cabaas Cabdullaahi Cabdi Sheekh Siraaji oo dhawaan geeriyooday, waxaana kulanka shir guddoominaya Golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan ‘’Jawaari’’.

Eng Sadiiq Cabdullaahi Cabdi

Kulanka oo uu ka qeyb galay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim ‘’Muudey’’ ayaa waxa uu ejendaha kulanka ahaa sii wadida kulankii sagaalaad ee 17-kii bishan Agoosto uu guddiga yeeshay sida uu Warbaahinta Qaranka u sheegay C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo ah Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka.

“Waxaa dhacay shir looga hadlayay qorshe howleedka golaha, waxaana looga hadlay sidii loo dar dargelin lahaa howlaha ay guddiyada qabanayaan, afar guddi unbaa dhiman, inta kale waa la dhameeyay, waxaana la isla soo hadal qaaday waqtiga afarta guddi ay isu imaan lahaayeen” ayuu yiri Cabdixakiin Xaaji Buux.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xeerka batroolka oo la ansixiyay
Ajandaha kulanka baarlamaanka ee sabtida waxaa ugu horeeya Qalbi Dhagax
Kiiska Qalbi Dhagax: Shan Arrimood oo aysan dowladdu sharrixin
42 arrimood oo la yaab leh oo uu sameeyey Donald Trump
Dowladda iyo rugta ganacsiga oo qir iyo qir taagan