Afrika oo dimoqoraadiyada u bislaatay

Published: August 26, 2017

Kn: Waxaa magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika lagu soo gabo gabeeyey kulan ay lahaayeen madaxdii hore ee Afrika oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

hoggaamiyeyaashii hore

Kulankan oo uu martigaliyey madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Tabo Mbeki ayaa waxaa kasoo qeybgalay dhammaan madaxweynayashii Afrika ee si xor ah oo doorasho ah xilka oga dagay, waxayna tani astaan u ahayd in Afrika ay usoo bislaanayso dimoqoraadiyadda.

Kulankaasi ayaa intiisa waxaa looga hadlaayay qodobo ay ka mid yihiin kaalinta Africa ay ka qaadan karto nabadeynta caalamka intiisa kale iyo sidoo kale dhalinyarada Qaarada Africa in loo diyaariyo mustaqbalka hoggaanka qaarada waxna ay ka bartaan hogaamiyaashii hore.

Kulanka ayaa waxaa sanad walba qabta Madaxweynahii hore ee dalka Tanzania iyo Madaxweynahii hore ee South Africa, waaana markii ugu horeysay oo kulankaan lagu qabto South Africa.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xamar oo lagu sheegay gawaari qarax lagu rakibay
Farmaajo oo qaabilay ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga
Axmed Madoobe oo qaabilay danjiraha midowga Yurub
1500 maxbuus oo xabsiga Jigjiga laga sii daayay
Shir looga hadlay amniga Jubbalanad oo Kismaayo lagu qabtay