Dad samayn jirey qamriga calaqda ah oo Gaalkacayo lagu xukumey

Published: August 26, 2017

Kn: Xukunadaan oo isugu jira xabsi iyo ganaax lacageed ayaa waxaa maanta maxkamadda darajada koowaad ee Gobalka Mudug ee dowlad Gobaleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ay ku riday ilaa 8 ruux oo isugu jiray kuwa ka ganacsan jiray waxyaabaha Maanka dooriya iyo kuwa jidgooyin sharci dara ah oo ay dhigteen inta u dhaxeysa Gaalkacyo iyo Cadaado, kuwaasi oo dhac u geystay dad shacab ah o halkaasi ku safrayay.

Gaalkacayo

Ciidamada amaanka Galmudug ayaa gacanta ku soo dhigay raggan kuwaasi oo maanta horkeenay Maxkamadda.

Kaaliyaha Maxakamadda darajada kowaad ee Gobalka Mudug Dr Maxamed Jaamac Diirshe ayaa ku dhawaaqay xukunka siddeedda ruux, kuwaasi oo lku eedeysnaa waxyaabaha Maanka dooriya iyo kiiskale oo la xiriira dhac.

1; Axmed Sheekh Daahir oo loo yaqaano Madoobe ina Dhoofa Xasan 36 jir ku dhashay Dhuusa Mareeb Dagan galkacyo markeey aragtay maxkamadu kitaabka Minhaajka Juska Afaraad bogga 535 waxay ku xukuntay 2 sano oo xarig ah iyo toban Milyan oo shilinka Soomaaligaa

2′ Nasteexo Cawil Sooyaan ina Suldaano Nuur 38 jir ah ku dhalatay Xamar dagan Galkacyo, maadaama uu yahay gurigeeda meesha lagu sameeyn jiray calaqa ayna qiratay lagu soo qabtay agabkii lagu karinayay, waxay maxkamaddu ku xukuntay hal sano oo xarig ah iyo 5 Milyan oo shilinka Soomaaliga ah.

3;C/fitaax Siciid Cabdi ina Xaawo Cabdikariin 32jir ah ku dhashay Gaalkacyo degan Gaalkacyo, maadaama uu is hortaagay ciidankii ammaanka xilligii howlgalka ay ku jireen uuna qirtay, falka lagu soo eedeeyay waxay maxkamadu ku xukuntay 6 bilood oo xabsi ah iyo 5 Milyan oo shilinka Soomaaliga.

4; Cumar Maxamed Cali ina Muslimo Cumar 35jir ah ku dhashay Muqdisho dagan Gaalkacyo markuu qirtay in uu cabo waxyaabaha Maanka dooriya waxay maxkamaddu ku xukuntay 40 karbaash, hal sano oo xabsiya iyo 5 Milyan oo shilinka Soomaaliga ah.

Sidoo kale waxay maxkamadu xukun ku riday 4 eedeeysana oo kala ahaa Mustaf Ciise Axmed ina Sahro Sheekh Nuur 22 jir ku dhashay saddex Higlo dagan Gaalkacyo, Maxamed Cabdi Cilmi ina Caasho Jaamac 18 jir ah ku dhashay saddex Higlo dagan isla saddex Higlo, Axmed Cabdi Tahliil ina Sacdiyo Axmed 29 jir ah ku dhashay saddex Higlo dagan Gaalkacyo, Cabdiqaadir Maxamed Cabdi ina Aamino Maxamed 18 jir ah ku dhashay Galinsoor dagan Galinsoor kuwaasi oo lagu soo eedeeyay in ay jidgooyo dhigteen inta u dhaxeeysa Gaalkacyo iyo Cadaado isla markaana ay dhac u geysteen dad shacab ah oo halkaasi ku safrayay markii la helay marqaati iyo cadeyn waxay maxkamadda darajada koowaad ee Gobalka Mudug ay ku xukuntay in la jaro lug iyo gacan isdhaaf ah iyo xabsi labo sano ah.

Ugu dambeyn Kaaliyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Gobalka Mudug Dr Maxamed Jaamac Diirshe ayaa sheegay in uu racfaan ka qaadan karo muddo 30 cisho gudohooda ciddi dacwo ka qabta xukunka maxkamada ay maanta riday.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Cirro oo aqbalay guusha Muuse Biixi
Farmaajo oo u hambalyeeyay Muuse Biixi
Masaajid dhiirigalinaya Jimicsiga
Somaliland oo lagu kala adkaaday
Uhuru oo loo xukumay hogaaminta Kenya