Yariisoow oo ay arrin weyn haysato !

Published: August 26, 2017

Kn: Wasiirka warfaafinta Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Yariisoow ayaa 24 kii saac ee ugu dambeeyey wajahayay eedeymo iyo canaan kaga imanaysay shacabka iyo madaxda dowladda kadib markii uu si aanan habooneyn oga hadlay dadkii shacabka ahaa ee lagu laayay deegaanka Bariire.

Yariisow

Yariisoow ayaa markii meydadka dadka Xamar lagu soo bandhigey lasoo degdegy war saxaafadeed uu ku sheegey in hawlgalka kaliya lagu diley Alshabaab, aysana jirin wax shacab ah oo la laayay.

Balse waxaa markiiba war soo saaray dowladda Maraykanka oo hawlgalka fulisey, waxayna sheegtey in ay baarayso dilka dhacay.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya iyo waliba wasaaraddaha arrimaha dibada iyo gaashaandhigga ayaa iyaguna ka tacsiyeeyey shacabka la laayay.

Markaasi kadib ayuu Yariisoow saxay warkiisii hore, sheegeyna in shacabka la laayay la baarayo.

Dadka yariisoow eedeeyey waxaa ka mid ah taliyaha ciidamadda xoogga Jeneraal Cirfiid oo sheegey in si aanan mas’uuliyad ku jirin uu wasiirka oga hadlay dhacdada.

Wararka qaarkood oo aanan la xaqiijinin ayaa sheegaya in isku shaandheynta golaha wasiirada ee soo socota laga yaabo in uu Yariisoow ku boxo, waxaana hadda sii xoojiyey kiiskan dhacay.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xeerka batroolka oo la ansixiyay
Ajandaha kulanka baarlamaanka ee sabtida waxaa ugu horeeya Qalbi Dhagax
Kiiska Qalbi Dhagax: Shan Arrimood oo aysan dowladdu sharrixin
42 arrimood oo la yaab leh oo uu sameeyey Donald Trump
Dowladda iyo rugta ganacsiga oo qir iyo qir taagan