Dowladda iyo rugta ganacsiga oo qir iyo qir taagan

Published: August 28, 2017

Kn: Wasaaradda ganacsiga ee dowladda federaalka ayaa warqad ay soo saartay waxa ay ku sheegtey in ay kala dirtey rugta ganacsiga ee Soomaaliya, islamarkaasina ay tahay in doorasho hor leh la qabto.

Gabeyre

Balse mas’uul u hadlay rugta ayaa sheegey in rugta ay tahay urur bulsho rayid ah oo aysan hoos imanin dowladda, islamarkaasina aysan dowladda soo farogalin karin.

Wareegtadan oo ay ku saxiixnayd Khadra Axmed Ducaale Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa lagu sheegay in wasaaradu ay soo sheegi doonto xilliga la qabanayo doorashada .isla markaana rugaha ganacsiga ee ka jira maamul goboleedyada ay si toos ah ula soo xiriiraan Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha.

Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa waxaa guddoomiye ka ahaa Maxamuud Cabdikariin Gabeyre halka Rug Ganacsi oo kale ay ku dhowaaqeen qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Muqdisho.

“Rugta Ganacsiga Somalia waxaa ay ka mid tahay Bulshada rayidka, mana ahan hay’ad ay dowladda leedahay oo wixii ay dowladda rabto ay ka sameysan karto” ayuu yiri Agaasimaha Rugta Ganacsiga Cabdi Abshir Dhoore.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Cirro oo aqbalay guusha Muuse Biixi
Farmaajo oo u hambalyeeyay Muuse Biixi
Masaajid dhiirigalinaya Jimicsiga
Somaliland oo lagu kala adkaaday
Uhuru oo loo xukumay hogaaminta Kenya