Ajandaha kulanka baarlamaanka ee sabtida waxaa ugu horeeya Qalbi Dhagax

Published: September 7, 2017

Kn: Guddiga joogtada ah ee baarlamaanka ayaa meelmariyay ajandaha looga doodi doono kulanka sabtida ee baarlamaanka, waxaana koow ka ah arrinta dhiibista Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

Mudanayaasha-Baarlamaanka-Somalia-620x350

Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka ayaa lagu go’aamiyay dib u bilaabista kulamada baarlamaanka kadib markii loo hakiyay maalmihii la soo dhaafay gudashada waajibaadka xajka.

Dhinaca kale Guddiga ayaa isla gartay in xukuumada laga talo galiyo Hindise sharciyeedyo dhowr ah oo ay dhowaan Golaha Shacabka usoo gudbiyeen sidii loo kale siin-lahaa hortabinta (Aqrinta 1-aad).

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa muuqata inay ku kala aragti duwan yihiin arrimaha la xiriira u gacan gelinta Cabdikariin Qalbidhagax dowlada Itoobiya.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xamar oo lagu sheegay gawaari qarax lagu rakibay
Farmaajo oo qaabilay ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga
Axmed Madoobe oo qaabilay danjiraha midowga Yurub
1500 maxbuus oo xabsiga Jigjiga laga sii daayay
Shir looga hadlay amniga Jubbalanad oo Kismaayo lagu qabtay