Easliegh oo dhiig bixintu ka socoto

Published: October 17, 2017

Kn: Xaafadda Easliegh ee magaalada Nairobi ayaa waxaa si habsami leh uga socda shubista dhiigga loo uruurinaayo dadkii ku dhaawacmay qarixii Xamar.

Bulshada qaybaheeda kala duwan oo ay ka muuqato dareen wadaniyadeed iyo mid walaalnimo ayaa si mutadawacnimo ah iskood u imaanayay goob loo asteeyay in dhiigga looga qaado qofkii diyaar u ah inuu dhiiggiisa u huro dadkii dhibtu ka soo gaartay qarixii ka dhacay Zoobe.

Sida ay KismaayoNews u sheegeen qaar kamid ah dadkii dhiigooda shubay ayaa waxay muujiyeen inay uga dhigantahay bixinta dhiiggu ayagoo goobtii masiibadu ka dhacday ka shaqaynaaya oo kale maadama aysan kamid noqon dadka nasiibka u helay inay gacmahooda ku caawiyaan walaalahooda dhibaatadu haleeshay.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Farmaajo oo Cadaado ku hoyday
Xamar oo lagu soo toosay xoolo qalan oo dariiqyada waran
Sh. Umal oo Kismaayo ka degay
Galmudug oo Farmaajo si diiran u qaabishay
Axmed Madoobe oo la kulmay ducaaddii Kismaayo timid