Kismaayo oo ka danqatay xasuuqii Xamar

Published: October 17, 2017

Kn: Shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa isu soo bax balaaran oo ay sameeyeen waxay ku muujiyeen sida ay uga xunyihiin shacabkii lagu xasuuqay isgoyska Zoobe ee caasimadda Muqdisho.

Isu soo baxan oo loogu magacdaray “gurmad qaran” ayaa waxaa ka qayb qaatay masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland, gudiga taakulaynta gurmadka qaran iyo dadweyne aad u tiro badan oo isugu Jira bulshada qaybaheeda kala duwan. Waxaa la arkaayay ardayda iskuulada oo gawaarida ciidamada amaanka Kismaayo dhinacyada ka saran waxaana wajiyadooda laga dheehanayay cadhada ay u qabaan kooxaha nabaddiidka ee xalaashaday daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale shacabka magaaladu wuxuu u qalabqaatay uruurinta tabarucaadka loogu talogalay in la gaarsiiyo walaalihii dhibaatadu haleeshay, ayadoo kaalinta muuqata oo aan la hilmaami karin ay ka qaateen haweenka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Isku soo duub oo, guud ahaan Soomaalidu waxay mar kale muujisay sida ay hal cad oo isla xanuunsada u tahay.

 

 


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Uhuru oo loo xukumay hogaaminta Kenya
Farmaajo oo Imaaraadka u duulay
Garoonka Cabdi Bille Cabdi oo roog cagaaran la dhigay
Warbixin iyo talo soojeedin ku saabsan magaalada Carmo
Baarlamaanka oo dhiibistii Qalbidhagax ku tilmaamay khalad dhacay