Zoobe oo dib loo dhisay magacana laga badalay

Published: October 19, 2017

Zoope-wado-dhisKn: Dayactir iyo dib u dhisid ayaa saaka lagu bilaabay isgoyska Zoobe oo ahayd halkii masiibadu ka dhacday.

Wadadan oo ahayd mid kamid ah wadooyinka halbowlaha u ah Muqdisho ayaa waxaa soo gaaray burbur aad u xoogan oo ay adkeyd inuu gaadiidku isticmaalo, waxaase la rajaynayaa in ilaa caawa la dhamaystiro dayactiristeeda si isticmaalkeedu caadi ugu soo noqdo.

Sidoo kale gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in wixii hadda ka danbeeya jidka loogu magac-darayo maalintii masiibadu dhacday ee 14ka October.

Hawsha maanta laga fuliyay jidka Zoobe wuxuu astaan u yahay sida shacabka Soomaaliyeed ayna u niyad jabinaynin iskuday kasta oo lagu dhaawacayo nolashooda, dhibaato kasta oo la soo gudboonaatana wadajir ayay ooga gudbayaan.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Uhuru oo loo xukumay hogaaminta Kenya
Farmaajo oo Imaaraadka u duulay
Garoonka Cabdi Bille Cabdi oo roog cagaaran la dhigay
Warbixin iyo talo soojeedin ku saabsan magaalada Carmo
Baarlamaanka oo dhiibistii Qalbidhagax ku tilmaamay khalad dhacay