Ra’iisul wasaare Kheyre iyo Turkiga

Published: October 26, 2017

Kn: Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo socdaal ku tagay caasimadda dalka Turkiga ee Ankara ayaa maanta la kulmay dhiggiisa.

Ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga Binali Yaldrim ayaa hoyga uu Ankara ka degan yahay ku qaabilay ra’iisul wasaare Kheyre. Labada masuul ayaa ka wada xaajooday sii xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Turkigu u kordhin lahaa taageerada uu siiyo dawladda Soomaaliya gaar ahaan dhanka tababarista ciidamo qaran iyo qalabayntooda, taasi oo ay isla qaateen labada ra’iisul wasaare.

Sidoo kale Kheyre ayaa mahadnaq uu ka siday madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyeed u gudbiyay ra’iisul wasaaraha Turkiga, asagoo u sheegay in Soomaalidu u hayso abaalka ay u galeen xiliyada ay ugu baahi badnaayeen.

Kheyre ayaa la filayaa inuu la kulmo jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan Turkiga isla mar ahaantaana soo booqdo dhaawacyadii dalkaasi la geeyay ee qarixii Zoobe.

 


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Cirro oo aqbalay guusha Muuse Biixi
Farmaajo oo u hambalyeeyay Muuse Biixi
Masaajid dhiirigalinaya Jimicsiga
Somaliland oo lagu kala adkaaday
Uhuru oo loo xukumay hogaaminta Kenya