Madaxda maamul goboleedyada oo soo gaaray Xamar

Published: October 28, 2017

Kn: Shirka wada tashiga ee madaxweynaha Soomaaliya ku dhawaaqay oo la filaayo inuu baritoole ka bilawdo Muqdisho ayaa waxaa soo wada gaaray dhamaan madaxdii maamul goboleedyada.

Maanta waxaa garoonta Aadan Cabdulle Cismaan si kala gooni gooni ah uga soo degay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf iyo madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Gaas.

Sidoo kale waxaa ka soo horeeyay oo shalay yimid Muqdisho madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Sh. Aadan iyo madaxweynaha Hirshabeele Dr. Waare.

Shirka ayaa looga arinsan doonaa sidii xal looga gaari lahaa waxyaalaha madmadowga ka dhex dhaliyay dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyada. Waxaa la rajaynayaa inay labada dhinac muujiyaan masuuliyad una wada tanaasulaan bulshada Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka aan la soo koobi karin ee dhinac kasta ay ku habsadeen.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Cirro oo aqbalay guusha Muuse Biixi
Farmaajo oo u hambalyeeyay Muuse Biixi
Masaajid dhiirigalinaya Jimicsiga
Somaliland oo lagu kala adkaaday
Uhuru oo loo xukumay hogaaminta Kenya