Kheyre, Axmed Madoobe iyo Shariifka oo xaflad isugu tagay

Published: October 29, 2017

Kn: Munaasabad ka dhacday safaaradda uu Turkigu ku leeyahay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku kulmay masuuliyiin ka socday dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Munaasabadda oo lagu xusayay 94 guuradii ka soo wareegtay aas-aaska Jamhuuriyadda Turkiga ayaa waxaa ka wada qayb-galay ra’iisul wasaare Kheyre, madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, Axmed Madoobe iyo Shariif Sh. Axmed iyo masuuliyiin kale oo heer federal iyo heer gobolba leh.

Munaasabadda ayaa Turkiga loogu muujiyay niyad samaan iyo in abaal looga hayo saacidaadda, garab istaagga iyo hiilada walaalnimo ee ay la garab istaageen Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, masuuliyiinta ayaa saaka ka wada qayb galay shirka wadatashiga ee madaxda dawladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Cirro oo aqbalay guusha Muuse Biixi
Farmaajo oo u hambalyeeyay Muuse Biixi
Masaajid dhiirigalinaya Jimicsiga
Somaliland oo lagu kala adkaaday
Uhuru oo loo xukumay hogaaminta Kenya