Magacyada Masuuliyiinta ku dhintay Hotel Naaso-hablo 2

Published: October 30, 2017

Kn: Ayadoo sodomeeyo qof ay ku dhinteen weerarkii labada qarax ee Shabaabku la beegsadeen Hotel Naaso-Hablo 2, tiro intaasi ka badanna ku dhaawacantay ayaa waxaa soo shaac baxaysa in kala bar tirada dhimatay ay ahaayeen masuuliyiin ama soo qabtay ama hayay xilil qaran. Walow ilaa iyo saaka burburka dhismaha hoostiisa laga soo bixinaayay dhaawaacyo iyo maydad ayaa hadana uusan wali jirin tirakoob sax ah oo ku aadan khasaaraha ka dhacay Hoteelka.

Hadaba waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa magacyada qaar mid ah masuuliyiinta naftooda ku waayay qaraxyada. Masuuliyiintu waxay isugu jiraan kuwo qaraxa iyo weerarka ku dhintay oo hoteelka joogay iyo kuwo gurmadka la socday oo ku dhintay dagaalkii dhex maray dablayda Hoteelka qabsatay iyo ciidamadii amaanka ee gurmadka ku tagay.

  1. Guuleed Muuse Maxamed Aadan oo ahaa taliyaha howlgallada Nabadsugida qeybta bari oo ay hoosyimaadaan degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan, Shibis iyo Cabdi Casiis. Taliye Guuleed wuxuu hogaaminaayay ciidamadii nabadsugidda ee gurmadka ku yimid Hoteelka wuxuuna naftiisa ku waayay asagoo raba inuu badbaadiyo shacabkii ay dablaydu ku gumaadayeen gudaha Hoteelka
  2. Col. Xasan Buufoow oo ahaa hogaanka Maaliyadda ee Nabadsugidda
  3. Gaashaanle Bootaan oo ahaa taliye ka tirsan ciidamada Booliska
  4. Zakariye Gaab oo ahaa lataliyaha waziirka Amniga ee dowladda Federaalka
  5. Col. Maxamed Yuusuf Nuur Fanax oo ahaa taliyihii ciidamada Booliiska degmada Dayniile
  6. Gen. Cabdiraxmaan Khaliif Dhicis oo ahaa lataliyaha Abaanduulaha ciidamada dowladda federaalka
  7. Xildhibaan hore Cabdi Naasir Gaarane hadana kamid ahaa Gudiga Taakuleynta ciidamada dowladda.
  8. Madoobe Nuunoow oo ahaa wasiirka arimaha gudaha ee Koonfur Galbeed
  9. Cumar Boonkeey oo ahaa wasiiru dowlaha qorsheynta iyo dib u dhiska Koonfur Galbeed.
  10. Xildhibaan hore Maxamed Xasan, wuxuuna wasiiru dowle ka noqday xukuumaddii Xasan Sheekh.
  11. Duqii hore ee magaalada Baladweyne Cabdi Faarax

Sidoo kale dhaawacyada waxaa kamid ah saraakiil dawladeed oo ay kamidyihiin;

  1.  Abaanduulaha ciidanka Alpha Group, Cumar Cabdalla (Burunteey)
  2. Taliyaha howlgelinta ciidanka Alpha Group, Shariif Cabdi Cali
  3. Taliyaha guutada Waran, Maxamed Xasan
  4. Taliyaha ciidamada dowladda ee degmada Kaxda, taliye Fanax

Waxaa Jira warar sheegaya in weerarka ku dhinteen dad ajinabi ah oo ay ku jiraan 3 ruux oo Turki ah iyo qusulkii Itoobiya u fadhiyay safaaraddooda ay Muqdisho ku leeyihiin, Abraha Welda, waxaana sidoo kale dhaawaca kamid ah 2 muwaadin oo u dhashay dalka Turkiga.

Dadka magaca leh ee hoteelka ku sugnaa laakiin ka badbaaday weerarka ayaa waxaa kamid ahaa Sh. Nuur Baaruud Gurxan, Salaad Cali Jeele iyo masuuliyiin badan oo isugu Jira labada golle ee Baarlamaanka iyo masuuliyiin kale oo heer gobol iyo heer federaalba leh.

Wali dawladdu ma soo saarin tirakoob sax oo ku aadan khasaaraha naf iyo maalba leh ee ka dhacay Hotel Naasohablo 2.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Cirro oo aqbalay guusha Muuse Biixi
Farmaajo oo u hambalyeeyay Muuse Biixi
Masaajid dhiirigalinaya Jimicsiga
Somaliland oo lagu kala adkaaday
Uhuru oo loo xukumay hogaaminta Kenya