Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku soo qulqulaaya Soomaaliya

Published: November 2, 2017

Kn: Xili ay sii kordhayaan weerarada ismiidaaminta ee Alshabaab isla mar ahaantaana ay beesha caalamku ku talo-jirto dhiimista ciidamada Afrikaanka ee Soomaaliya ku sugan ayaa waxaa maanta la arkayay ciidamo badan oo Itoobiyaan ah oo si hor leh ugu soo qulqulaaya Soomaaliya.

Ciidamo ku hubaysan gawaarida gaashaaman ayaa soo gaaray degmada Dooloow ee gobolka Gedo taasi oo lagu macneeyay inay ka qayb qaadanayaan hawlgal la naawilaayo inuu ka dhaco deegaanada ay wali Shabaabku kaga suganyihiin Jubooyinka.

Ciidamadan oo aan wadan wax astaan AMISON ah ayaysa soo galitaankooda ka hadlin dawladda Soomaaliya iyo dawladda Itoobiya toona, laakiin  xogaha qaar ayaa tibaaxaya inay daba socotay socdaalkii madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay dalalka safka hore oo uu kaga codsaday inay ciidamo dheeraad ah u soo diraan Soomaaliya.

Shabaabka oo gacanta ku haya deegaano muhiim ah oo ku yaala shanta maamul gobolleed, Jubbaland haba ugu badnaatee ayaa sidoo kale kordhiyay weerarada ismiidaaminta ee ay ka wadaan caasimadda. Bishii Oktoobar oo kaliya ayay ku dhawaad kun qof qaarna dileen, qaarna dhaawaceen, ayagoo sidoo kalana burburiyay hanti ku kacaysa malaayiin doolarka Maraykanka ah.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Cirro oo aqbalay guusha Muuse Biixi
Farmaajo oo u hambalyeeyay Muuse Biixi
Masaajid dhiirigalinaya Jimicsiga
Somaliland oo lagu kala adkaaday
Uhuru oo loo xukumay hogaaminta Kenya