Alshabaab oo loo shiray, ayana shar la maqan

Published: November 4, 2017

Kn: Shir ay isugu yimaadeen madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul wasaaraha, madaxweynayaasha dawladda gobolleedyada, hogaanka laamaha amaanka ee Soomaaliya, wakiilka midowga Afrika, saraakiisha ugu saraysa AMISON iyo safiirada dawladaha ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa looga arinsaday sidii laga yeeli lahaa Alshabaab.

Shirka oo uu shirgudoominaayay Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu qaadaa dhigay sidii Alshabaab dalka looga xorayn lahaa iyo sidii hawlgal midaysan oo hal meel laga hayo loogu qaadi lahaa deegaamada ay wali Alshabaab gacanta ku hayaan.

Madaxda AMISON ayaa soo dhawaysay fikirka ay soo bandhigeen madaxda Soomaalidu waxayna sheegeen inay wada shaqayn buuxda la imaanayaan dhan kooda. Shirka laguma soo qaadin istaraatiijiyo dagaal, lamana qaabaynin shacda lagu jaangoynayo ciribtirista Alshabaab, waxaase lag isku waafaqay oo kaliya in hawlgalka la mideeyo, Ashabaabna lala diriro.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Cirro oo aqbalay guusha Muuse Biixi
Farmaajo oo u hambalyeeyay Muuse Biixi
Masaajid dhiirigalinaya Jimicsiga
Somaliland oo lagu kala adkaaday
Uhuru oo loo xukumay hogaaminta Kenya