Maraykan muxuu ogyahay?

Published: November 4, 2017

Kn: Dawladda Maraykanka ayaa muwaadhiniinteeda ku sugan Soomaaliya, gaar ahaan Garoonka Aadan Cadde iyo xerada Xalane ku amray inay isaga qaxaan.

Warka ka soo baxay qayb hawlgalka Maraykanka ee Soomaaliya ayaa xanbaarsanayd digniintii ugu cuslayd taasi oo lagu sheegay inay khatar aad u saraysa ku soo waajahantahay Garoonka Aadan Cadde.

Maraykanku ma sheegin khatartu nooca ay tahay iyo cidda ka danbaysa marka laga reebo amarka ay ku siiyeen dadka wadankooda u dhashay ama haysta dhalashadooda inay isaga baxaan Muqdisho.

Shacabka Muqdisho ayaa is waydiinaya hadii Maraykanku og yahay cidda duulaanka soo ah muuba halkooda ugu tago oo burburiyo, mise timir laf baa ku jirta ayay leeyihiin.

Arintan ayaa ku soo aadaysa xili madaxdii dalka at gorodda iskula jiraan oo wali gaari la’yihiin heshiis looga gudbi karo jawiga siyaasadeed ee haatan dalku ku jiro.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Cirro oo aqbalay guusha Muuse Biixi
Farmaajo oo u hambalyeeyay Muuse Biixi
Masaajid dhiirigalinaya Jimicsiga
Somaliland oo lagu kala adkaaday
Uhuru oo loo xukumay hogaaminta Kenya