Golaha sare oo la showray madaxda maamul gobolleedyada

Published: November 6, 2017

Kn: Madaxda dawlad gobolleedyada oo maanta kulan la qaatay golaha Aqalka Sare ayaa kala xaajooday xiisadaha siyaasadeed, dastuur, amni iyo dhaqaale ee dalku waajahayo.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiwali Xuseen Gaas, madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Sh. Aadan, madaxweynaha Hirshabeelle Dr. Maxamed Cabdi Waare iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa golaha Aqalka Sare ku booriyay inay abuuraan jawi saamaxaya isu soo dhawaan iyo wadashaqayn dhex marta laamaha dawliga ee heer gobol iyo heer federal.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in waxa salka u ah is qabqabsiga iyo khilaafka u dhexeeya laamaha dawliga uu sal u yahay Dastuurka dalka oon qeexayn shaqada qole kastaayi ay leedahay, loona baahanyahay in Baarlamaanku uu xil gooni ah iska saaro inuu sida ugu degdegga badan loo saxo oo loo qeexo waxa qolo kastaayi u leedahay xaqa iyo qaabka shaqada loo qaybsanayo.

Madaxda dawlad gobolledyadu waxay ku amaaneen golaha shacabka iyo aqalka sare sidii ay uga qayb qaateen dajinta iyo xalinta khilaafkii ayaga iyo dawladda dhexe ee markii danbe ku dhamaaday is afgaradka. Waxay ahayd markii koobaad ee Aqalka Golaha Sare oo matalaaya dawlad gobolleedyada uu la kulmo madaxda dawladdaha xubnaha ka ah federaalka ee ay u matalayaan.

 

 


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Cirro oo aqbalay guusha Muuse Biixi
Farmaajo oo u hambalyeeyay Muuse Biixi
Masaajid dhiirigalinaya Jimicsiga
Somaliland oo lagu kala adkaaday
Uhuru oo loo xukumay hogaaminta Kenya