Shabaabka oo dad ku laayay Bu’aale

Published: November 6, 2017

Kn: Maleeshiyada Al-Shabaab ee gacanta ku haysa gobolka Jubbada Dhexe ayaa fal argagax galiyay shacabka deegaanka ka sameeyay gobol kaasi.

Wararka aan ka helayno gobolka ayaa tibaaxaya in 4 nin oo shacab ah ay shabaabku ku toogteen magaalada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe ahna magaalo madaxda maamul gobolleedka Jubbaland. Wararku waxay intaasi ku darayaan in Shabaabku ay shacabka isugu soo bixiyeen meel fagaaro ah sidaasna ay dadka hortooda ugu toogteen afarta nin oo lagu kala magacaabo Maxamed Aba Mayow, Cabdirisaaq Xaashi Cabaas, Mustafe Macalin Xasan iyo Cumar C. Cumar.

Shabaabka ayaa ku eedeeyay dadka ay xasuuqeen inay jawaasiis u ahaayeen ciidamada huwanta, ayagoo waliba fagaaraha kaga goodiyay in cid kasta oo isku dayda inay warbixin u gudbiso waxa ay ku sheegeen cadowga Alle ay sidan oo kale u qisaasi doonaan. Fal kan argagixiso nimo ee shacabka lagu bajinaayo ma aha markii koobaad ee Shabaabku ay gobolka ka sameeyaan ee waa kuwo joogta ah oo ay la kulmaan dadka ku hoos nool.

Fal kan ayaa ku soo aadaya xili uu abaabul xoogan oo la rabo in lagula diriro Al-Shabaab uu ka socdo guud ahaan dalka, gaar ahaanna gobollada Jubbooyinka.

 


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Cirro oo aqbalay guusha Muuse Biixi
Farmaajo oo u hambalyeeyay Muuse Biixi
Masaajid dhiirigalinaya Jimicsiga
Somaliland oo lagu kala adkaaday
Uhuru oo loo xukumay hogaaminta Kenya