Axmed Madoobe oo Jawaari soo dhaweeyay kadib markii asaga la soo dhaweeyay

Published: November 7, 2017

Kn: Madaxweynaha dawlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo saaka lagu soo dhaweeyay magaalo xeebeedka Kismaayo ayaa asaguna ku soo dhaweeyay gudoomiyaha baarlamaanka dawladda federaalka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari iyo wafuud kale oo la socotay.

Axmed Madoobe iyo Jawaari oo wax yar soo kala horeeyay ayaa isa soo dhawaynta kadib waxay ka qayb galeen kalafadhiga 4aad ee baarlamaanka Jubbaland. Axmed Madoobe ayaa Jawaari uga mahadceliyay booqashadiisa Kismaayo, taasi oo uu sheegay inay dhiirigalin u tahay baarlamaanka dawlad gobolleedyadda.

Jawaari ayaa asagu dhankiisa amaan kala dul dhacay reer Jubbaland ayaga, baarlamaan kooda iyo hogaan kooda, wuxuuna balanqaaday in baarlamaanka federaalku ay si dhaw ula shaqaynayaan kana caawinayaan baarlamaanka Jubbaland wixii tasiilaad, farsamo iyo dhismo ah.

Gudoomiye Jawaari waxaa socdaalka ku weheliyay mudanayaal ka socday labada gole ee Baarlamaanka iyo Aqalka sare ee dawladda federaalka Soomaaliya. Wafuudda ayaa la filayaa inay maalmo ku nagaadaan Kismaayo.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Cirro oo aqbalay guusha Muuse Biixi
Farmaajo oo u hambalyeeyay Muuse Biixi
Masaajid dhiirigalinaya Jimicsiga
Somaliland oo lagu kala adkaaday
Uhuru oo loo xukumay hogaaminta Kenya