Farmaajo oo mar kale tuutaha gashaday

Published: November 7, 2017

Kn: Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta asagoo tuute ku labisan booqasho ku tagay xarunta wasaaradda gaashaandhigga.

Farmaajo oo cutubyo ciidamada qalabka sida ka tirsan salaanta ka qaatay ayaa sheegay in wajigii ugu danbeeyay ee diyaargarowgu uu socdo, booqashadiisuna ay qayb ka tahay dhiirigalinta ciidanka iyo inuu kormeer guud ku sameeyo qaabka ay u socdaan hawlahu.

Salaan qaadashada kadib ayuu madaxdeynuhu si hoose ula shawray saraakiisha ciidanka qalabka sida kuwooda ugu sareeya oo uu ku jiro sii haya booska taliyaha ciidanka qalabka sida oo aan wali booskiisa la buuxin. Warbixinnada la siiyay Farmaajo ayaa kamid ahaa in durba ciidamada qalabka sida ay guulo ka soo hoyeen deegaanno ay kala wareegeen Shabaabka.

Waxaa Jira dhaqdhaqaaq ciidan iyo abaabul ka socda meelo badan oo dalka kamid ah, laakiin lama oga inay noqon doonto hanjabaadihii horay u dhicisoobay iyo inay markani ka dhabayn doonaan madaxda qaranku dagaalka ay iclaamiyeen.

KismaayoNews waxay ayadu leedahay, aragaanee!


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Cirro oo aqbalay guusha Muuse Biixi
Farmaajo oo u hambalyeeyay Muuse Biixi
Masaajid dhiirigalinaya Jimicsiga
Somaliland oo lagu kala adkaaday
Uhuru oo loo xukumay hogaaminta Kenya