AMISON oo 4 maalmood xayiraad ku soo rogtay Garoonka Aadan Cadde iyo Xalane

Published: November 9, 2017

Kn: Ciidamada AMISON ee fadhiisinka ku leh xerada Xalane oo sal dhig u ah inta badan Ajaanibta Muqdisho ku sugan ayaa maanta laga bilaabo Soomaalida ka mamnuucday inay yimaadaan xerada ayagoo sidoo kalana joojiyay hawlihii ka socday garoonka Aadan Cadde.

Xayiraadda oo bilaabatay maanta oo Khamiisa, bishuna tahay 9 ayaa ku ekaan doonta 13 bisha, waa hadii ayna cusboonaysiinin, waxaana  lagu wargaliyay inay guryahooda joogaan  dhamaan dadka Soomaalida kuwaasi oo ama ka shaqaynayay ama ganacsiga ku lahaa xerada Xalane iyo Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Amuurtan ayay ku micneeyeen inay AMISON bilaabayso baadhitaano dhinaca amaanka oo laga fulinaayo gudaha xerada Xalane, garoonka diyaaradaha iyo xaafadaha ku xeeran si ay u xaqiijiyaan jiritaanka khatar looga cabsiqabo inay kaabiga u saarantahay.

Arintan ayaa ku soo aadaysa xili maalmo ka hor uu Maraykanku muwaadiniintiisa uga digay inay sii joogaan Muqdisho, gaar ahaan agagaarka garoonka Aadan Cadde oo xerada Xalane kamid tahay.

Xerada Xalane ayay maleeshiyada Alshabaab gudaha u gashay dabayaaqadii sanaddii 2014, halkaasi oo ay ka dhex degaalamayeen in ka badan 24 saac, kadibna waxaa soo afjaray ciidamada Gaashaan oo markii loo maaro waayay ugu daatay dhismayaashii ay gabaadka ka dhiganayeen.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Cirro oo aqbalay guusha Muuse Biixi
Farmaajo oo u hambalyeeyay Muuse Biixi
Masaajid dhiirigalinaya Jimicsiga
Somaliland oo lagu kala adkaaday
Uhuru oo loo xukumay hogaaminta Kenya