Maraykanka oo hawlgal ka fuliyay gobolka Bay

Published: November 9, 2017

Kn: War uu soo saaray taliska ciidamada Maraykanka ee saldhiggoodu yahay Jabuuti ayaa lagu sheegay inay maanta hawlgal ay ka fuliyeen gobolka Bay ay ku dileen tiro maleeshiyaad Alshabaab ah.

Maraykanku waxa uu sheegtay in abaarihii sagaal saac (3:00pm) oo maalinnimo saacadda geeska Afrikada Bari in weerar xagga cirka ah oo ay ku bartilmaameedsadeen koox katirsan maleeshiyaadka Alshabaab ay tiro kamid ah dileen.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in ciidamada Maraykanku at is ticmaalayaan tab iyo xeelad kasta oo macquul ah oo at ku difaacayaan shacabkooda, kuna ciribtirayaan khatarta argagixisada. Waxay sidoo kale sheegeen inay sii wadayaan la shaqaynta ciidamada AMISON iyo ciidamada qaranka Soomaaliyeed si loo bartilmaameedsado ayay yiraahdeen argagixisada xarumahooda ay ku tababartaan iyo meelaha gabaadka u ah ee ay ku dhuuntaan.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Cirro oo aqbalay guusha Muuse Biixi
Farmaajo oo u hambalyeeyay Muuse Biixi
Masaajid dhiirigalinaya Jimicsiga
Somaliland oo lagu kala adkaaday
Uhuru oo loo xukumay hogaaminta Kenya