Dhagar qabihii oo Puntland loo dhoofiyay

Published: November 11, 2017

Kn: Ciidamada booliska dawlad gobolleedka Jubbaland ayaa asagoo jeebaysan garoonka diyaaradaha Kismaayo ka dhoofiyay dhagar qabihii Puntland ka soo baxsaday kadib markii uu fal fool xun ka soo gaystay.

Nin kan oo ciidamada amaanku ka soo qabteen asagoo ku dhuumaalaysanaya deegaanka Qandal ee duleedka magaalada Kismaayo ayay saaka dib ugu celiyeen Puntland, waxaana asagoo katiinadaysan horey u sii qaaday masuuliyiin ka tirsan ciidamada amaanka ee Jubbaland.

Dad badan ayaa jeclaa in dhagar qabahaasi lagu maxkamadeeyo Jubbaland si aysan u dhicin in sidii wiilashii Goldogob dhibaatada ka gaystay ee sida sahalka loo xukumay oo kale, laakiin maamulka Jubbaland ayaa ka jawaabay maamulka Puntland oo dalbaday in nin kaasi baxsadka ah dib loogu soo celiyo deegaankii uu fal danbiyeedka ka gaystay.

Haatan indhaha bulshada Soomaaliyeed waxay ku sii jeedaan maamulka Puntland iyo sida ay u xukmiyaan danbiilaha ku dhaqaaqay falka fooshaxun ee ugubka ah.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Cirro oo aqbalay guusha Muuse Biixi
Farmaajo oo u hambalyeeyay Muuse Biixi
Masaajid dhiirigalinaya Jimicsiga
Somaliland oo lagu kala adkaaday
Uhuru oo loo xukumay hogaaminta Kenya