Jubbaland oo gacanta ku dhigtay miinaysteyaal Alshabaab ah

Published: November 12, 2017

Kn: Ciidamada amaanka Jubbaland ee degmada Luuq ayaa soo qabtay 2 xubnood oo khuburo xagga qaraxyada kuwaasi oo ka tirsan maleeshiyaadka Alshabaab.

Kadib markii ciidamada amaanku ay heleen xog ku saabsan labada nin oo maleegayay inay isku rakibaan qarax ay damacsanaayeen inay shacabka ku gumaadaan ayay isku gadaameen goobtii ay qalabka ku samaynayeen.

Ciidamada amaanka ayaa soo bandhigay labadii nin iyo walxihii ay qaraxa ka samaynayeen oo ay ku jiraan bam gacmeedyo, biro iyo taleefanadii ay meesha durugsan kaga qarxin lahaayeen.

Ma aha markii koobaad ee ciidamada amaanka Jubbaland ay soo qabtaan rag ka tirsan Alshabaab oo ama maleegaya fal lagu gumaado bulshada ama ku hawlan khalkhal galinta amaanka.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Farmaajo oo Cadaado ku hoyday
Xamar oo lagu soo toosay xoolo qalan oo dariiqyada waran
Sh. Umal oo Kismaayo ka degay
Galmudug oo Farmaajo si diiran u qaabishay
Axmed Madoobe oo la kulmay ducaaddii Kismaayo timid