Amaanka Qaranka oo Kismaayo lagu gorfaynayo

Published: November 14, 2017

Wasiiradda amniga Qaranka1Kn: Wasiirada amniga maamul gobolleedyada iyo kan dawladda federaalka Soomaaliya ayaa arimo amaanka la xariira ku gorfaynaya magaalada Kismaayo.

Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo masuuliyiinta qaranka ku soo dhaweeyay magaalada Kismaayo ayaa saxaafadda u sheegay inuu kulan koodu daaran yahay sidii xal waara loogu heli lahaa nabad ku soo dabaalidda gayiga Soomaaliyeed ee colaadaha iyo kooxaha nabad diidku ay qaska iyo labka ku hayaan.

Shir kan oo maalintii labaad galay ayaa la filayaa in laga soo saaro qodobo muhiim ah, walow dadka qaar ay walaac ka muujinayaan hirgalinta qodobada quruxda badan ee inta badan ay ku heshiiyaan dawladda dhexe iyo dawlad gobolleedyada xubnaha ka ah.

Shir kan ayaa daba socday shirkii ay kal hore madaxda qaranku ku yeesheen magaalada Muqdisho taasi oo lagu heshiiyay in si dhab ah looga hawlgalo la dagaalanka maleeshiyaadka Alshabaab, waxaana la rajaynayaa inuu shir kani wadada u xaaro qaab kii si wada jir ah dagaal loogu qaadi lahaa Alshabaab.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Cirro oo aqbalay guusha Muuse Biixi
Farmaajo oo u hambalyeeyay Muuse Biixi
Masaajid dhiirigalinaya Jimicsiga
Somaliland oo lagu kala adkaaday
Uhuru oo loo xukumay hogaaminta Kenya