Kheyre iyo Keating oo Baraawe isku arkay

Published: November 15, 2017

Kn: Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafti uu hogaaminayo ayaa booqasho ku tagay xarunta maamul gobolleedka Koonfur Galbeed ee Baraawe.

Kheyre waxay Baraawe isku arkeen ergayga Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay, Micheal Keating iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Sh. Aadan.

Socdaalka waxaa Kheyre ku weheliyay masuuliyiin xukuumaddiisa ka tirsan iyo mudaneyaal ka kooban labada aqal ee goleyaasha Shacabka iyo kan Sare. Booqashada Kheyre ayaa lagu sheegay dardargalinta hawlgallada ciidamada Huwantu ay doonayso inay ku qaadaan deegaamada ay wali gacanta ku hayaan xoogagga Alshabaab.

Safarka uu Kheyre Baraawe ku tagay ayaa ku soo aadaya xili wasiiraddii ugu daacadsanayd uguna hawlkarsanayd ay iska casishay xilkii ay ka haysay xukuumadda Kheyre.

 


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xamar oo lagu sheegay gawaari qarax lagu rakibay
Farmaajo oo qaabilay ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga
Axmed Madoobe oo qaabilay danjiraha midowga Yurub
1500 maxbuus oo xabsiga Jigjiga laga sii daayay
Shir looga hadlay amniga Jubbalanad oo Kismaayo lagu qabtay