Taliyaha nabadsugidda Jubbaland oo ka cudurdaartay hogaaminta NISA

Published: November 16, 2017

Kn: Khaalid Sh. Cabdullahi, taliyaha ciidamada nabadsugidda ee Jubbaland oo loo soo bandhigay inuu qabto xilka hogaanka nabadsugidda qaranka ayaa lagu soo waramayaa inuu ka cudurdaartay.

Khaalid oo lagu amaano sida uu nabad ugu soo dabaalay magaalada Kismaayo ayaa hogaamintiisu waxay soo jiidatay madaxda qaranka taasi oo kaliftay inay dalbaan inuu jagadii Sanbalooshe iska casilay u qabto si uu amaanka Muqdishana u muunadeeyo sida Kismaayo oo kale.

Nasiib xumo, Khaalid waa ku gacansayray dalabka madaxda qaranka, asagoo ku cudurdaartay inuusan hadeer diyaar u ahayn qabashada xilkaasi. Diidmada Khaalid ayay dadka qaar ka agdhawi ku micneeyeen in Khaalid laf ahaantiisu aaminsanyahay inaan amaanka Xamar shaqsi kaliya wax ka badalin karin ee ay u baahantahay in marka hore hay’adda nabadsugidda lafteeda la kala shaandheeyo, kadibna hogaankeeda loo madax baneeyo hawlaha nabadsugidda.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xamar oo lagu sheegay gawaari qarax lagu rakibay
Farmaajo oo qaabilay ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga
Axmed Madoobe oo qaabilay danjiraha midowga Yurub
1500 maxbuus oo xabsiga Jigjiga laga sii daayay
Shir looga hadlay amniga Jubbalanad oo Kismaayo lagu qabtay