Baarlamaanka oo dhiibistii Qalbidhagax ku tilmaamay khalad dhacay

Published: November 18, 2017

Kn: Kadib warbixin dheer oo ay baarlamaanka ka hor akhriyeen gudidii loo saaray soo uruurinta macluumaadka ku saabsan dhiibistii Cabdikarim Qalbidhagax ayay baarlamaanka ka dhex bilaabatay dood iyo codayn lagu soo afmeeray.

Warbixinta ay gudiga kiiska ku jiray soo bandhigeen oo u muuqatay ‘Qalbidhagaxna gar leh, xukuumadduna gar leh’ ayaa soo jeedin tooda waxaa ku jiray in xukuumaddu dardar galiso xeerarka ku aadan isu celinta dadka fal danbiyeedyada ka gala dalalka dariska, laakiin xiligii doodda waxaa jiray xildhibaano si aad ah ugu dhaliilay xukuumadda dhiibistii Qalbidagax.

Ugu danbayn 163 xildhibaan oo doodda soo xaadirtay ayaa 152 waxay u codeeyeen in dhiibistii Qalbidhagax gaf iyo khalad ahayd, halka 6 xildhibaan ay u codeeyeen in xukuumaddu ku saxsanayd, sadexna ka aamustay. Walow baarlamaanku uu sharci daro ku tilmaamay dhiibistii Qalbidhagax hadana majirto soo jeedin iyo talo bixin ku aadan waxa laga yeelayo ciddii falkaasi ku dhaqaaqday.

 


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Cabsi loo baajiyay ciyaartii Jubbaland iyo Galmudug
Haweenka oo ku qaday xukuumadda Muuse Biixi
Labada Gole ee baarlamaanka oo isku murugsan
Xarun boolis oo Muqdisho lagu qarxiyay
Mukhtar Roobow oo Kismaayo gaaray