Khilaafka Galmudug oo xal laga gaarayo

Published: November 18, 2017

Kn: Maamul gobolleedka Galmudug oo uu ragaadiyay khilaaf marar badan dhaliyay gacan ka hadal, ayaa ugu danbayn u muuqda inuu cagta saarayo wadadii nabadda iyo is afgaradka.

Gogol uu soo qabanqaabiyay urur gobolleedka IGAD oo ku fidsan magaalada Nairobi ayaa la filayaa in loogu kala dab-qaado labada garab ee kala fadhiya Cadaado iyo Dhuusomareeb.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf iyo madaxweynaha maamulka gobollada Dhexe ee Ahlusunna Sh. Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo si toos ah isu hor fadhiisanaya si loogu qanciyo inay isugu tanaasulaan danta guud isla mar ahaantaana u yagleelaan dawlad wadaag ah.

Wajiga ugu danbeeyay ee wada xaajoodka ayaa la filayaa in Muqdisho lagu soo gabagabeeyo, waa hadii labada dhinac isla aqbalaan jid qeexan oo maamul wadaag loogu unkayo Galmudug.

Dawladda Dhexe oo carqaldaysay maamulka Galmudug ayaa markani u muuqata inay ku qanacday in qayb ka noqoto dadaalada la doonayo in isfaham looga dhex abuuro Cadaado iyo Dhuusomareeb.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Cabsi loo baajiyay ciyaartii Jubbaland iyo Galmudug
Haweenka oo ku qaday xukuumadda Muuse Biixi
Labada Gole ee baarlamaanka oo isku murugsan
Xarun boolis oo Muqdisho lagu qarxiyay
Mukhtar Roobow oo Kismaayo gaaray