Warbixin iyo talo soojeedin ku saabsan magaalada Carmo

Published: November 18, 2017

Kn: Magaalada Carmo waxay ka mid tahay magaalooyinka sida xawliga leh u koray xagga dhismaha iyo xagga adeegyadaba. Magaalada waxaa la aasaasay bishii Maajo ee sannadkii 1993kii, waxaana lahaa fikradda iyo aasaaskaba rag ay hormuud u ahaayeen Salaad Cali Hogato, Siciid Muumin Xaaji, Siciid Ibraahim Shirdoon iyo Salaad Ciise Rooble.

Sababaha lugu doortay degitaanka Carmo waxaa ka mid ah: u dhawaanshaha magaalada Boosaaso oo ay 100 km u jirto iyo waddada laamiga ah oo ku xiriirinaysa magaalooyinka kalee dalka.

Waxyaabaha lugu ammaani karo magaalada Carmo waxaa ka mid ah

  1. Waddooyinka waaweyn iyo nidaamka loo dhisay oo sarreeya.
  2. Fiditaanka degdega ah ee magaaladu samaysay 24kii sano ee ay dhisnayd marka la barbardhigo magaalooyinkii ka horreeyey.
  3. In si degdeg ah degmo ahaan loogu aqoonsaday.
  4. Adeegyada aasaasiga ah, sida: biyaha, korontada, isgaarsiinta oo leh telefoono iyo internet.
  5. Adeegyada waxbarshada oo leh malcaamado, mac-had sharci ah oo heer dugsi sare ah, daarul-Qur’aan ilaa dugsi dhexe ah, iskool ilaa dugsi sare ah. Waxaa weheliya isbitaal weyn oo lafaha ah. Kaas oo dalka oo dhan looga yimaado.
  6. Tiro masaajid ah oo leh kuwo jimcaha lugu tukado iyo kuwo kale.
  7. Waxaa magaalada laga hirgaliyey labo idaacadood oo FM ah oo mid ay tahay Idaacadda Alxikma ee Qur’aanka kariimka.
  8. Magaalada waxaa loo sameeyey masalle weyn oo ciidda lugu tukado oo darbi lugu wareejiyey.
  9. Nashaadka dacwada iyo wacyigalinta bulshada oo xoog leh gaar ahaan xilliga xagaaga oo ay yimaadaan culimo waaweyn oo uu ka mid yahay Sh. C/raxmaan Bukhaari, luguna qabto nadwooyin culima badan ka qaybgasho.
  10. Xarumaha dowladda, sida: xarunta bileyska, maxkamada, xarunta dowladda hoose, xarunta degmada.
  11. Dhul weyn oo loo asteeyey danta guud.
  12. Magaalada waxaa ku yaal akadeemiyada booliska oo lugu tababaro ciidanka bileyska P/land iyo kuwa Somaliyedba.
  13. Waxayaabaha kalee magaalada lugu ammaani karo waxaa ka mid ah: sadaqada iyo gacanqabashada dadka tabaalaysan, ciidsiinta agoomaha iyo ka qaybgalka samafalka.

Maxaa lugu horumarin karaa magaalada iyo deegaanada raacsan?

Si loo sii hormariyo magaalada, loogana ilaaliyo waxyaabaha magaalooyinka dumiya ama dib u dhiga waxaa habboon in la qaado tillaabooyin badan oo ay ka mid yihiin:

  1. In sare loo qaado, lana hormariyo nidaamka iyo maamulka degmada, loona sameeyo gole deegaan oo laga soo xulay ganacsatada waaweyn iyo aqoonyahanka; si ay degmadu ula tartanto magaalooyinka waaweyn. isla markaasna dadweynaha deegaanka lugu wacyigaliyo ilaalinta nidaamka iyo kala dambaynta; si looga hortago fawdada iyo khalkhalka.
  2. In xoog la galiyo baahinta iyo tayaynta waxbarashada qaybeheeda kala duwan; si ay magaaladu u ceshato dadkeeda, dad kalena u soo jiidato. Si magaaladu u noqoto xarun aqooneed oo lugu soo hirto waxaa habboon in maalqabeenka  deegaanku ka hirgaliyaan dugsiyo kulleejo ah oo tayo sare leh; si dadkeenu ugu xeraystaan carruurtooda, magaaladuna ugu cammiranto.
  3. In dadweynaha soomaaliyeed magaalada lugu soo dhaweeyo, luguna caawiyo siday u heli lahaayeen dhul ay degaan iyo mid ay maalgalin ku samaystaan. Si arrintaas u hirgashana lala dagaalamo dhul-boobka waayadaan dambe soo ifbaxay.
  4. In magaalada bilicdeeda la xoojiyo, lagana beero dhir farabadan, waddooyinkeedana la dhiso.
  5. Si nolosha dadka deegaanka sare loogu qaado, waxyaabaha daruuriga ahna ugu raqiisaan waa in xoog la saaro wax-soosaarka beeraha iyo xoolaha gaar ahaan khudrada iyo caanaha. Haddii dhul-beereedka magaalada u dhow waddo wanaagsan loo sameeyo, horumarinta beeraha iyo xoolahana la isku dhafo waxaa hubaal ah in magaaladu cammirmayso, nolosha dadkeeduna hagaagayso.
  6. Waxyaabaha kale  ee horumarka deegaanka ka qaybqaadan kara waxaa ka mid ah in magaalada laga hirgaliyo warshado yaryar oo wax-soosaarkooda looga baahanyahay deegaanka; si ganacsiga iyo shaqo-abuurku sare ugu koco.
  7. Si looga badbaado waxyaabaha magaalooyinka iyo bulshooyinka baabi’iya oo ay ugu daranyihiin dulmiga, xadgubdubka iyo dagaalka ehliga ah waa in la xoojiyo faafinta diinta, barashadeeda iyo ku dhaqankeedaba gaar ahaan tuulooyinka iyo miyiga raacsan magaalada, isla markaasna lugu dadaalo wanaajinta xiriirka qabaa’ilka dariska ah iyo iskaashigooda.
  8. Si kor loogu qaado wacyiga iyo ilbaxnimada bulshada deegaanka waa in la qabto Seminaro, shirar, dood-cilmiyeedyo iyo tartan aqooneed, luguna martiqaado aqoonyahan leh takhasusyo iyo khibrado kala duwan.
  9. Waxyaabaha magaalooyinka bila, horumarka iyo wacyiga bulshadana ka qaybqaata waxaa ka mid ah in culimo iyo aqoonyahan badan soo dagaan. Haddaba waa in lugu dadaalo sidii magaalada loo soo dajin lahaa dad badan oo wax ku soo kordhin kara.
  10. Si arrimahaan u hirgalaan waxaa lagama maarmaan ah in ay is fahmaan, ayna iskaashadaan hoggaanka bulshada oo ka kooban: hoggaanka dhaqanka, hoggaanka siyaasada iyo maamulka, hoggaanka dhaqaalaha, hoggaanka diinta iyo aqoonyahanka  kale. Haddii dadkaasi aysan isku duubnayn oo awooddoodu kala dhantaalanto waxay ka go’antahay

Gabagabadii si magaalada Carmo ay u noqoto mid lugu soo hirto waa inay yeelato axdi-sharafeed iyo halkudhegyo ay ka mid yihiin: diin, dhaqan wanaag, aqoon sare, xiriir-bulsho oo wanaagsan, walaalnimo, midnimo iyo horumar buuxa iwm.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Cabsi loo baajiyay ciyaartii Jubbaland iyo Galmudug
Haweenka oo ku qaday xukuumadda Muuse Biixi
Labada Gole ee baarlamaanka oo isku murugsan
Xarun boolis oo Muqdisho lagu qarxiyay
Mukhtar Roobow oo Kismaayo gaaray