Farmaajo oo Imaaraadka u duulay

Published: November 19, 2017

Kn: Farmaajo ayaa safarkii 16aad ku aaday dalka Imaaraadka xili ay jiraan caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni oo dalku ku sii hoobanayay sadexdii bilood ee ugu danbaysay.

Madaxweynaha oo aan la shaacin sababta rasmiga ee ka danbaysa socdaalka uu ku bixiyay Imaaraadka ayaa xeeldheerayaasha siyaasadda Geeska Afrika odorosa waxay farta ku fiiqayaan in culayska Imaaraadku dhinaca maamul gobolleedyada uu ka saaray dawladda federaalka ay soo kartay haatan Farmaamo taasina ay kaliftay inuu wadaxaajood ka soo galo.

Amuurta xiisaha leh ma aha in Farmaajo uu aaday Imaaraadka ee waa in socdaalkiisani uu noqonayo kii 16aad ee uu dalka  dibadda uga baxo, taasi oo bilcagsi ku ah socod badnidii uu ku eedayn jiray madaxweynihii xilka uga horeeyay ee Xasan Sh. Maxamuud ka hor inta uusan Farmaajo noqon madaxweynaha Soomaaliya.

Dawladda Farmaajo garwadeenka ka yahay, waxyaalihii ugu horeeyay ee shacabku u riyaaqay waxaa kamid ahaa doorkii dhexdhexaadnimo ee ay madaxdu ka qaadatay khilaafkii dalalka Khaliijka. Maadaama Farmaajo uu ku suganyahay Imaaraadka, shacabka Soomaaliyeed waxay dhagta iyo indhahaba u taagayaan inay ogaadaan waxa uu kala soo laaban doono socdaalkiisa Imaaraadka.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Cabsi loo baajiyay ciyaartii Jubbaland iyo Galmudug
Haweenka oo ku qaday xukuumadda Muuse Biixi
Labada Gole ee baarlamaanka oo isku murugsan
Xarun boolis oo Muqdisho lagu qarxiyay
Mukhtar Roobow oo Kismaayo gaaray