Garoonka Cabdi Bille Cabdi oo roog cagaaran la dhigay

Published: November 19, 2017

Kn: Garoonka ku badadda cagta iyo ciyaaraha fudud ee magaalada Laascaanood oo loogu magacdaray halyaygii orodka Cabdi Bille Cabdi ayaa maanta lagu bilaabay dhigista roogga cagaaran ee cawska macmalka ah.

Mashruuca horumarineed ee garoonka Cabdi Bille waxaa abaabulkiisa iyo ka midho dhalintiisa lahaa iskuduwaha dhalinyarada iyo ciyaaraha ee gobolka Sool mudane Fu’aad Axmed Cali Haybe. Garoonka ayaa la filayaa inuu kor u qaado tayada ciyaartoyda gobolka, isla mar ahaantaana uu soo saaro da’yar u carbisan noocyada kala gadisan ee ciyaaraha.

Sanadka cusub ee 2019 ayaa la filayaa in garoon kani marti-galiyo ciyaaraha gobollada ee Somaliland. Shacabka magaalada Laascaanood ayaa aad u amaanay mashruucan lagu hormariyay garoonka Cabdi Bille Cabdi oo markii hore ahaa jay dhalinta cidiyaha tiray.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xamar oo lagu sheegay gawaari qarax lagu rakibay
Farmaajo oo qaabilay ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga
Axmed Madoobe oo qaabilay danjiraha midowga Yurub
1500 maxbuus oo xabsiga Jigjiga laga sii daayay
Shir looga hadlay amniga Jubbalanad oo Kismaayo lagu qabtay