Farmaajo oo u hambalyeeyay Muuse Biixi

Published: November 21, 2017

Kn: Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaayo ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi. Farmaajo ayaa sidoo kale Shacabka Somaliland iyo xisbiyada siyaasadeed ku amaanay sida quruxda badan ee ay u dhacday doorashadii Somaliland.

“Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan xisbiyada iyo musharaxiintii ku tartamay Somaliland sida dimuqraadiyadda ahayd ee ay u tartameen. Waxaan si dhaw ula socday hannaanka diiwaan gelinta, olalaha doorashada iyo codbixinta oo dhammaantood ay ka muuqatay ilbaxnimo iyo isu dulqaadasho siyaasadeed.” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa balanqaaday inuu si dhaw ugala shaqayn doono madaxweynaha cusub ee Somaliland dardargalinta wada-hadalladii hakadka galay ee u socday dawladda federaalka iyo Somaliland. Asagoo arintaasi ka hadlayana wuxuu yiri Farmaajo, “Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi waxaan u ballanqaadayaa inaan kala shaqeynayo dar-dargelinta wadahadalladii u dhaxeeyey Dowlada Federaalka iyo Somaliland si aan u soo celinno kalsoonida shacabka.”


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xamar oo lagu sheegay gawaari qarax lagu rakibay
Farmaajo oo qaabilay ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga
Axmed Madoobe oo qaabilay danjiraha midowga Yurub
1500 maxbuus oo xabsiga Jigjiga laga sii daayay
Shir looga hadlay amniga Jubbalanad oo Kismaayo lagu qabtay