Amniga Jubbaland oo laga shiray

Published: November 26, 2017

Kn: Madaxweynaha dawlad gobolleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shirgudoomiyay shir looga arinsanayay amaanka Jubbaland iyo umuuro kale oo la xiriira dhaqaalaha, garsoorka iyo maamul wanaagga.

Shirka ayaa waxaa ka soo qayb-galay gudiga amniga Jubbaland oo uu dhawaan magacaabay madaxweyne Axmed, waxaana la isla gorfeeyay qaabka ugu haboon ee loo xaqiijin karo amaanka deegaamada gacanta ugu jira maamulka Jubbaland, isla mar ahaantaana gacanta loogu dhigi lahaa deegaamada ay wali gacanta ku hayaan maleeshiyaadka Alshabaab.

Maxsuulkii ka soo baxay kulanka dhex maray gudiga amniga Jubbaland iyo madaxweyne Axmed ayaa la filayaa inay la wadaagaan macluumaadyada qaarka khuseeyay dawladda dhexe gudiga guud ee amniga qaranka oo ah madal kulmisa maamul gobolleedyada iyo dawladda dhexe.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xamar oo lagu sheegay gawaari qarax lagu rakibay
Farmaajo oo qaabilay ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga
Axmed Madoobe oo qaabilay danjiraha midowga Yurub
1500 maxbuus oo xabsiga Jigjiga laga sii daayay
Shir looga hadlay amniga Jubbalanad oo Kismaayo lagu qabtay