Reer Galmudug oo ku heshiinaya Jabuuti

Published: November 26, 2017

Kn: Wadahadalladii u socday Cadaado iyo Dhuusomareeb oo saldhigyo u kala ah Galmudug iyo maamulka Ahlu Sunna ayaa wajigoodii labaad loo wareejiyay dalka Jabuuti.

Dawlad gobolleedka IGAD ayaa wajigii hore gogol ay ku heshiisiinayaan labadan garab ugu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Wajiga labaad ayaa la filaayo in lagu xaliyo khilaafka soo jiitamay ee reer Galmudug ayaa la filayaa in lagu soo afjaro dalka Jubuuti.

Madaxweynaha maamul gobolleedka Galmudug, Axmed Ducaale Xaaf iyo ku xigeen kiisa, Maxamed Xaashi Carabey ayaa gaaray dalka Jabuuti si ay uga qayb galaan gogosha nabadda ee ka fidsan dalka Jabuuti.

Waxaa xusid mudan in madaxweyne Xaaf iyo ku xigeen kiisa mudane Carabey uu jiray khilaaf ba’an oo dhex yaalay, laakiin la xaliyay kadib markii madaxweyne Farmaajo uu dadaal ku bixiyay. Haatan maamulka Galmudug oo midaysan iyo maamulka Ahlu Sunna oo midaysan ayaa labada daraf loogu kala garnayaa dalka Jabuuti.

Hadii lagu guulaysto xalinta khilaafka labada garab, isla markaana loo dhiso maamul wadaag ah, markaasi Galmudug waxay noqonaysaa maamulkii ugu danbeeyay oo lagu guulaysto inuu si buuxda uga hawlgallo deegaamada hoos yimaadda kuwaasi oo intooda badan gacanta ugu jira labada garab ee haatan la heshiisiinayo.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Cabsi loo baajiyay ciyaartii Jubbaland iyo Galmudug
Haweenka oo ku qaday xukuumadda Muuse Biixi
Labada Gole ee baarlamaanka oo isku murugsan
Xarun boolis oo Muqdisho lagu qarxiyay
Mukhtar Roobow oo Kismaayo gaaray