Wasiirka gaashaandhigga oo la magacaabay

Published: November 26, 2017

Kn: Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta si rasmi ah u magacaabay wasiirka gaashaandhigga ee dawladda federaalka Soomaaliya.

Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan ayaa loo magacaabay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, wuxuuna horay u soo qabtay jagooyin ay kamid yihiin, ku xigeenka ra’iisul wasaaraha, wasiirka kaluumaysiga iyo kheyraadka badda iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga.

Booska loo magacaabay Maxamed Mursal ayaa banaanaa tan iyo intii uu bil ka hor iska casilay wasiirkii hore ee gaashaandhigga, mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed. Magacaabista Maxamed Mursal waxay meesha ka saaraysaa warar bulshadu isla dhex maraysay oo sheegayay in Mukhtaar Roobow Abu-Mansuur loo wado booska wasiirka gaashaandhigga.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Goobweyn oo caawa ifeysa!
Qaraxyo iyo is rasaasayn ka dhacday caasimadda Muqdisho
Xamar oo lagu sheegay gawaari qarax lagu rakibay
Farmaajo oo qaabilay ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga
Axmed Madoobe oo qaabilay danjiraha midowga Yurub