Kenya oo kulminaysa Farmaajo iyo Natenyahu

Published: November 27, 2017

Kn: Xafladda caleemo saarka madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta oo maalinta baritoole ah ka dhacaysa Nairobi ayaa la filayaa inay kulmiso madax Bariga Afrika u badan iyo hogaamihaya Israa’iil, Benjamin Natenyahu oo sida ay Kenya shaacisay ka soo qayb galaya xafladda.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo galabta soo gaaray Nairobi ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed ee madal aan tan Qaramada Midoobay ahayn la fariista hogaamiye dalka Israa’iil.

Natenyahu oo ah hogaamiyaha kaliya ee caleemasaarka Uhuru uga imaanaya meel ka baxsan qaaradda Afrika ayaa la filayaa inuu si gooni gooni ah ula kulmo madaxda Afrikaanka ee munaasabadda ka soo qayb galaysa, laakiin lama oga in Farmaajo uu kamid noqon doono hogaamiye yaashaasi sida gaarka ah ula kulmaya ra’iisul wasaaraha Israa’iil.

Madaxweyneyaasha Jabuuti, Uganda, Ruwanda, South Sudan iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa kamid ah madaxda ka qayb galaysa caleemosaarka madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Cabsi loo baajiyay ciyaartii Jubbaland iyo Galmudug
Haweenka oo ku qaday xukuumadda Muuse Biixi
Labada Gole ee baarlamaanka oo isku murugsan
Xarun boolis oo Muqdisho lagu qarxiyay
Mukhtar Roobow oo Kismaayo gaaray