FIIDSOOH: Qabiilooyinka Soomaalida ugu hor dabargu’i doona!

Published: November 28, 2017

Kn: Xubinteena FIIDSOOH waxaan maanta ku soo qaadanaynaa nadwo ku saabsan walaalaynta bulshada iyo daweynta xanuunka qabyaaladda ayaa lugu qabtay masjidka jaamica Laascaanood, habeenkii khamiista ee aynu soo dhaafnay. Waxaa faallo yar bixiyey Dr. C/risaaq Lafoole oo yiri “waxaa dhawaan soo baxday daraasad sheegaysa in seddex dal oo Afrika ku yaal dhaqso khariidada dunida looga waayi doono”.

Arinta argagaxa leh ayaa ah in sadexdaasi dal ee la saadaalinayo inay caalamka ka dabargo’ayaan ay ku jirto Somalia. Sadexda dal ayaa kala ah;

  1. Koonfurta Sudan,
  2. Somalia
  3. Afrikada dhexe.

Ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu saadaashaas xun beeniyo, uuna na waafajiyo sidaan ummad u ahaan lahayn, adduun iyo aakhirana aan heer wanaagsan uga gaari lahayn. Balse anigu markaan hadalkaas maqlay waxaan isweydiiyey, tolow haddii Soomaali baaba’ayso, qoladee ugu hor baaba’aysa?.

Markii aan fakarey waxaan jawaabtii dhaafin waayey inay u hor dhammaanayaan qabaa’ilka isku darsada seddexdaan tilmaamood:

  1. qabiilooyinka dhexdooda is dirira oo islaaya
  2. qabiilooyinka dadka la dariska ah la dagaalama
  3. qabiilooyinka guurka iyo taranku ku yaryahay

Haddaba aynu isweydiino qabaa’ilka Soomaaliyeed ee seddexdaan sifo isku darsaday ama yeeshay labo ka mid ah, ka dibna aynu cilmibaaris ku samayno sidaynu qabiilooyinkaas uga daaweyn lahayn seddexdaan mushkiladood ee aynu soo sheegnay.

Gabagabadii waxaan codsanayaa in qabiil walba iska baaro inuu leeyahay seddexdaan sifo ama labo ka mid ah ama ugu yaraan midkood, ka dibna qabiilkii calaamadahaas iska helaa uu u hawlgalo siduu isaga badbaadin lahaa khatartaas ku soo fool leh ee ah dabargo’a iyo luufluufka si Soomaalidu u sii jirto, waayo hadii mid meesha ka baxo kan kalana si sahal ah ayaa meesha looga saari karaa.

Waxaa Diyaariyay

Sh. Axmed Cabdisamad (alwaqaar@hotmail.com)


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Cabsi loo baajiyay ciyaartii Jubbaland iyo Galmudug
Haweenka oo ku qaday xukuumadda Muuse Biixi
Labada Gole ee baarlamaanka oo isku murugsan
Xarun boolis oo Muqdisho lagu qarxiyay
Mukhtar Roobow oo Kismaayo gaaray