Axmed Madoobe oo Xamar gaaray

Published: December 2, 2017

Kn: Madaxweynaha dawlad gobolleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa soo gaaray caasimadda qaranka Soomaaliyeed ee Muqdisho.

Axmed Madoobe oo ay socodka ku weheliyeen masuuliyeen heer gobol iyo kuwo heer federal oo baryihii u danbaysay hawlo shaqo u joogay xarunta ku meel gaarka ee Kismaayo ayaa Xamar u yimid inuu ka qayb galo shirka amniga qaranka oo maalinta bari ah la filaayo inuu furmo.

Axmed Madoobe oo ay garoonka caalamiga ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyeen masuuliyiin isugu jira heer gobol iyo heer federal ayaa sheegay in amaanka dalku uu ka soo wanaagsanaanayo sidii hore laakiin loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo sidii loo sii xoojin lahaa. Sidoo kale, wuxuu yididiilo wanaagsan ka muujiyay shirka amniga, kaasi oo uu sheegay inuu aaminsanyahay inay ka soo bixi doonaan go’aamo waxtar u leh dadka iyo dalka.

 


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Cabsi loo baajiyay ciyaartii Jubbaland iyo Galmudug
Haweenka oo ku qaday xukuumadda Muuse Biixi
Labada Gole ee baarlamaanka oo isku murugsan
Xarun boolis oo Muqdisho lagu qarxiyay
Mukhtar Roobow oo Kismaayo gaaray