Wasaaradda arimaha dibadda oo ka hadashay dadka ku dhiban Liibiya

Published: December 2, 2017

Kn: Wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya ayaa cod keeda ku biirisay walaaca ay dalal badan oo Afrikaan ahi ka muujiyeen xaaladda sirgaxan ee ay ku suganyihiin tahriibayaasha dubka madow ee dalkaasi Liibiya u taga inay uga sii gudbaan qaaradda Yurub. In badan oo kamid ah dadkaasi tacadiga loogu gaysanayo ayaa ah dhalinyaro Soomaaliyeed oo inta dalkooda uga hayaameen markay u adkaysan waayeen qaraxa iyo dilka joogtada ah naftooda ku biimeeyay mawjadaha badda ee halista leh, laakiin markani waxaa mawjaddii iyo waliba magafihii ka danbeeyay ka daba yimid, unugyada jirka oo si qasab ah looga siibanayo iyo waliba adoonsiga qarniga. Hadaba dawladda Soomaaliya wasaaraddeeda arimaha dibadda ayaa warsaxaafadeed ay umuurtaasi ka soo saartay ku sheegtay sida hoose.

WARSAXAAFADEED:

Ka dib markii Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed, uu wadatashi kala yeeshay dhibaatada isa soo tareysa ee Soomaalida ku sugan Liibiya, ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Yusuf-Garaad Cumar, wuxuu u xil saaray Danjiraha Soomaaliya u fadhiya xarunta Midowga Yurub ee Brussels, Dr. Cali Saciid Faqi, in uu u kuurgalo, soo ururiyo, warbixinna ka soo diyaariyo xogta dhabta ah ee Soomaalida ku xanniban dalka Liibiya.

Maaddaama uu Madaxweynuhu amar ku bixiyay in ay Dowladdu deg deg u qaaddo tallaabo kasta oo sharci ah oo Soomaalida Liibiya loogu soo celin karo dalkooda hooyo, Wasiirku wuxuu Danjiraha farayaa in uu laba toddobaad gudahood ku soo diyaariyo xog sugan oo ku saabsan Soomaalida joogta dalka Liibiya iyo waliba talooyin ku saabsan waxa la gudboon Dowladda Soomaaliya in ay ku dhaqaaqdo.

Mas’uuliyiinta iyo hey’adaha Dowladda ee uu u baahdo in uu waajibkaas loo xil saaray uu la kaashado, wuxuu Wasiirku ka codsanayaa in ay Danjiraha gacan ku siiyaan gudashada waajibaadka Qaran ee xasaasiga ah.

Waxaa xusid Mudan in Danjiraha Soomaaliya u fadhiya xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa, Maxamed Cali-Nur Xaaji uu hoggaamin doono ergo diblomaasiyiin ah oo uu Midowgya Afrika u xil saaray in ay booqdaan Liibiya si ay qiimeyn ugu sameeyaan xaaladda dadka Afrikaanka ah ee ku xanniban dalkaas.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Cabsi loo baajiyay ciyaartii Jubbaland iyo Galmudug
Haweenka oo ku qaday xukuumadda Muuse Biixi
Labada Gole ee baarlamaanka oo isku murugsan
Xarun boolis oo Muqdisho lagu qarxiyay
Mukhtar Roobow oo Kismaayo gaaray