Xisbiyodii ugu horeeyay oo la sharciyeeyay

Published: December 3, 2017

Kn: Gudiga doorashooyinka qaranka ayaa shahaadooyinkii aqoonsiga gudoonsiiyay ilaa iyo 8 xisbi oo kamid ahaa xisbiyo horay isu diiwaan galiyay.

Munaasabad ay goobjoog ahaayeen gudoomiyaha golaha shacabka iyo xildhibaano ka socday labada gole, ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo saraakiil kale oo ka tirsan xukuumadda Kheyre hogaaminayo ayaa shahaadooyinka lagu gudoonsiiyay gudoomiyeyaasha 8 xisbi.

Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaran ayaa sheegay in sideeddan xisbi ay soo buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa, ayadoo ay wali jiraan xisbiyo badan oo is diiwaan galiyay laakiin aan soo dhamaystirin shuruudihii looga baahnaa.

Xildhibaanad Fowsiya Xaaji aadan oo xisbigeedu kamid ahaa xisbiyada la ansixiyay isla mar ahaantaana ku hadlaysay magaca xisbiyada shahaadooyinka la gudoonsiiyay ayaa tibaaxday inay dadaal dheer u soo galeen sidii xisbiyada siyaasadeed loo meel marin lahaa.

Xisbiyada la sharciyeeyay ayaa waxaa kamid ah;

Xisbiga Garsoor

Xisbiga Horumarinta

Xisbiga Umadda Soomaaliyeed

Xisbiga Midnimada iyo Qaranka Soomaaliyeed

Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed

Xisbiga Midnimada iyo Jamhuuriga

Xisbiga Qaranka iyo Dimuqraadiyadda

Xisbiyadan ayaa kamid ah xisbiyo tiro badan oo horay loo diiwaan galiyay laakiin aan sharciyad helin, waxaana dib u dhaca ku yimid hirgalinta nidaamka axsaabta badan loo aanaynayay hakadka ku yimid sharciga axsaabta oo mudo dheer qaatay in la meel mariyo.

Waxaa la odorosayaa in doorashada 2020 ay ku tartamaan axsaab isla mar kaana ay dadku codkooda u ritaan nidaam ku dhisan qof iyo codkii. Laakiin su’aashu waxay tahay suurogalnimada arintaasi.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Cabsi loo baajiyay ciyaartii Jubbaland iyo Galmudug
Haweenka oo ku qaday xukuumadda Muuse Biixi
Labada Gole ee baarlamaanka oo isku murugsan
Xarun boolis oo Muqdisho lagu qarxiyay
Mukhtar Roobow oo Kismaayo gaaray