Ciyaaraha gobollada, Banaadir iyo Jubbaland oo gorodda is daraya

Published: December 5, 2017

Kn: Tartanka kubadda cagta ee ciyaaraha gobollada oo ka furmaya todobaad kan gudihiisa magaalada Muqdisho ayaa isku aad aadka kooxaha, waxaa marka hore gorodda is dari doona kooxda gobolka Banaadir iyo kooxda Jubbaland.

Kooxaha oo loo qaybiyay A iyo B, ayaa A waxaa isku arki doona Jubbaland, Banaadir iyo Galmudug, halka B ay isku arki doonaan, Hirshabeele, Puntland iyo Koonfur Galbeed. Ciyaarta koobaad ayaa lagu furi doonaa Banaadir iyo Jubbaland taasi oo dhici doonta hadii Alle idmo maalinta Jimcaha.

Koobka ciyaaraha gobollada oo markii hore ay ahayd inay Jubbaland martigaliso ayay u suuroobi waysay dhamaystir la’aan ku yimid dayactiris ku socota garoonka Waamo ee magaalada Kismaayo.

Soo celinta tartanka ciyaaraha gobollada wuxuu dib u soo noolaynayaa isdhexgalka bulshada oo sanooyin badan oo la soo dhaafay dhaawacnaa.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xamar oo lagu sheegay gawaari qarax lagu rakibay
Farmaajo oo qaabilay ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga
Axmed Madoobe oo qaabilay danjiraha midowga Yurub
1500 maxbuus oo xabsiga Jigjiga laga sii daayay
Shir looga hadlay amniga Jubbalanad oo Kismaayo lagu qabtay