Ciidamada Jubbaland oo hawlgal ka sameeyay Afmadow

Published: December 7, 2017

Kn: Ciidamada daraawiishta ee maamul gobolleedka Jubbaland ayaa deegaano hoos yimaada degmada Afmadow ka fuliyay hawlgal ay ku baadi goobayaan canaasir ka tirsan kooxda Alshabaab oo ku dhuumaalaysanaysa deegaamadaas.

Daraaawiishta Jubbaland, taliskooda degmada Afmadow ayaa hawlgalkan kaga jawaab celinayay kooxda Alshabaab oo habeen hore gantaalo ku soo tuuray mid kamid ah saldhigyada ay ciidamada huwantu ku leeyihiin degmadaasi Afmadow.

Afmadow ayaa how u ah kumannaan isugu jira ciidamada AMISON, ciidamada SNA iyo ciidamada daraawiishta Jubbaland, waxayna intii mudo ah isu diyaarinayeen inay guluf ku qaadaan magaalada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe ahna caasimadda rasmiga ah ee maamul gobolleedka Jubbaland.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Cabsi loo baajiyay ciyaartii Jubbaland iyo Galmudug
Haweenka oo ku qaday xukuumadda Muuse Biixi
Labada Gole ee baarlamaanka oo isku murugsan
Xarun boolis oo Muqdisho lagu qarxiyay
Mukhtar Roobow oo Kismaayo gaaray