Guduudo Carwo oo god aakhiro u hoyatay

Published: December 7, 2017

Kn: Shamis Abukar Ismaaciil oo ku magac dheerayd Guduudo Carwo, ahaydna gabartii ugu horaysay ee ku heesta luuqadda Afsoomaaliga ayaa tii Rabi ku timid ayadoo joogta magaalada Hargaysa. Shamis ayaa sanadkii 1952 ku biirtay Radiyaha Hargaysa oo markaasi laga tabin jiray heeso ay qaado. Maadaama ay xiligaasi ahayd arin xasaasi ah in qof dumar ah heeso ayaa si aysan bulshada dhib uga mudan waxay heesaheedu ku bixijireen magaca naanaysta ah ee loo bixiyay kaasi oo ahaa Guduudo Carwo.

Shamis waxay noqotay qof kii dumar ah ee ugu horeeyay ee heesa sidaasna waxay ku qaadatay magaca hooyadii Fanka. Allaha u naxariistee Shamis waxay aduunka ku soo biirtay 1935, waxayna ka galbatay ayadoo cimrigeedu jiro 82.

Dawladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyaysay geerada marxuumad Shamis.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Cabsi loo baajiyay ciyaartii Jubbaland iyo Galmudug
Haweenka oo ku qaday xukuumadda Muuse Biixi
Labada Gole ee baarlamaanka oo isku murugsan
Xarun boolis oo Muqdisho lagu qarxiyay
Mukhtar Roobow oo Kismaayo gaaray