Haweenka Kismaayo oo shir nabadeed loo qabtay

Published: December 15, 2017

Kn: Tababar ku saabsan nabadda iyo doorka haweenku ku leeyihiin ayaa magaalada Kismaayo loogu qabtay kontameeyo dumar ah oo ka socday ururka haweenka Jubbaland.

Tababarkan oo ay si wadajir ah u qabteen wasaaradda xuquuqul insaanka iyo haweenka ee Jubbaland iyo machadka Nabadda Soomaaliya ayaa lagu lafo guray qaabka ugu haboon ee dumarku ka qaadan karaan aslaaxinta iyo nabadaynta bulshada.

Cilmi kororsiga loo samaynayo dumarka Jubbaland oo socon doonta maalmo ayaa waxaa madasha ka hadlay wasiiradda Haweenka iyo xuquuqul insaanka Jubbaland, marwo  Qamar Deeq Khaliif, gudoomiyaha ururka haweenka degmada Kismaayo, marwo Sureer iyo agaasimaha machadka nabadda Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullahi Jimcaale.

Tababarkan ayaa looga golleeyahay in kor loogu qaado wacyiga dumarka Soomaaliyeed ee dhinaca nabadda iyo xalinta khilaafaadka bulshada.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Farmaajo oo Cadaado ku hoyday
Xamar oo lagu soo toosay xoolo qalan oo dariiqyada waran
Sh. Umal oo Kismaayo ka degay
Galmudug oo Farmaajo si diiran u qaabishay
Axmed Madoobe oo la kulmay ducaaddii Kismaayo timid