Jubbaland oo ku durdurisay Puntland

Published: December 22, 2017

koobka jubbaland1Kn: Xidigaha kubadda cagta ee Jubbaland ayaa maanta dirgax ku dheelay xulka kubadda cagta ee Puntland kadib markii ay ciyaarta kama dambaysta isugu soo hareen koobkii ciyaaraha gobollada ee ka socday caasimadda qaranka ee Muqdisho.

Xulka Jubbaland ayay u suuro gashay in qaybtii 2aad ee ciyaarta ay gool ku hubsadaan shabaqa goolka Puntland, kadibna ay weeraro isdabajoog ah la beegsadaan walow aysan suuro galin inay dhamaystiraan oo la yimaadaan gool 2aad. Ciyaartoyda Puntland oon waxba isula harin ayaa isku dayay inay goolka iska soo gudaan laakiin difaaca xulka Jubbaland ayaa u diiday inay seeraha soo maraan.

Jubbaland ayaa hanatay koobkii ciyaaraha gobollada ayadoo Puntland kaga badisay 1 iyo 0. Ma aha koobka oo kaliya laakiin ciyaartoyda Jubbaland waxay sidoo kale hantiyeen goolkii ugu qurux badnaa ee la dhaliyo intii tartanku socday, ciyaaryahanka ugu goolal badan iyo ciyaaryahanka ugu laacibsanaa ee soo bandhiga ciiyaar xaladaysan.

Guud ahaan magaalooyinka waawayn ee Jubbaland ayaa looga dabaal degay guusha ay soo hoyeen kooxda Maroodiga ee Jubbaland, waxaana la filayaa marka ay gaaraan magaalada Kismaayo in loo sameeyo xaflad balaaran oo lagu maamuusayo dhalinyarada guusha soo hoyiyay.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa dhankiisa u hambalyeeyay xulka Jubbaland wuxuuna balanqaaday inuu kooxda siin doono abaalgud ay mahadiyaan oo dhiirigalin iyo abaalmarin isugu Jira.

koobka jubbaland


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Farmaajo oo Cadaado ku hoyday
Xamar oo lagu soo toosay xoolo qalan oo dariiqyada waran
Sh. Umal oo Kismaayo ka degay
Galmudug oo Farmaajo si diiran u qaabishay
Axmed Madoobe oo la kulmay ducaaddii Kismaayo timid