Xaflad loo sameeyay koobkii ciyaaraha

Published: December 23, 2017

Kn: Munaasabad lagu maamuusayo laguna soo dhawaynayo Ciyaartooyda Jubbaland iyo koobka ay soo galbiyeen ayaa maanta ka dhacday magaalada caasimadda qaranka ee Muqdisho.

Xafladdan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ka socda golaha fulinta iyo golaha Baarlamaanka ee heer gobol iyo heer federaal, odayaal dhaqameen, ururka Haweenka, indheergarad iyo dhalinyaro badan ayaa lagu qabtay Xamar. Xafladda oo ay soo qabanqaabisay Rugta ganacsiga Qaranka ayaa looga gol lahaa in lagu dhiirigaliyo isboortiga iyo is dhexgalka bulshada ayadoo sidoo kale lagu waynaynayay ciyaartooyda Jubbaland ee koobka hanatay.

Xafladda oo qadosharaf ahayd ayaa waxaa sidoo kale door muhiim ah ku lahaa isla mar ahaantaana goobjoog ahaa gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, mudane Taabit. Maalinta talaadada ayaa Kismaayo laga sugayaa in koobka la geeyo

Guusha ay kooxda Jubbaland soo hoyisay ayaa looga dabaaldegay dhamaan magaalooyinka muhiimka ah ee deegaanada maamul gobolleedka Jubbaland.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Farmaajo oo Cadaado ku hoyday
Xamar oo lagu soo toosay xoolo qalan oo dariiqyada waran
Sh. Umal oo Kismaayo ka degay
Galmudug oo Farmaajo si diiran u qaabishay
Axmed Madoobe oo la kulmay ducaaddii Kismaayo timid